Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somaaliya Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo) oo shalay Gelinkii dambe gaaray dalka Qadar ayaa xalay kulan la qaatay Amiirka dalkaasi Qadar Ninka lagu magacaabo Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani.
Kulanka dhexmaray labada dhinac ayaa waxa ay uga wada hadleen arimaha amniga dhaqaalaha iyo sidii dowladda Somaaliya looga taageeri lahaa dowladda Qadar oo kamid ah dowladdaha Saaxiibada dhow la ah dowladda Federaalka Somaaliya.
Dhanka kale Madaxweynaha Somaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Qadar waxa uu sidoo kale la kulmi doonaa Bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku nool dalkaasi Qadar iyo madaxda ugu sareeysa kuwaas oo kulamada intiisa badan dhici doona Caawa.
Booqashadan uu Madaxweyne Farmaajo,uu ku tagay dalka Qadar ayaa waxa ay noqoneeysaa midii 10,aad waxaana shalay uu ku sugnaa Gudaha dalka Jabuuti.