Maamulka Somaliland ayaa war ka soo saaray Kulankii shalay Magaalada Addis Abbaba ee Caaismadda dalka Itoobiya ku dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo garwaaqsaday kaalinta ay Somaliland kaga jirto arimaha gobolka geeska Afrika
“Somaliland waxay soo dhawayneysaa sida Maamulka Farmaajo u garwaaqsadey in ay Somaliland tahay Dawlad Kaalin muhiim u ah kaga jirta Arimaha Gobolka Gaar ahaan dhinacyada Nabad galyada iyo Horumarka Dhaqaalaha ee Gobolka oo aan indhaha laga lalin karin marnaba,Isla Markaana uu Aqbalay in aanu soo raro Galin Xidhiidhka Soo jireenka ah ee Somaliland iyo Ethiopia,ayaa lagu riyi warka ka soo baxay Somalilandâ€
Shalay ayaa waxaa Magaalada Addis Abbaba kulan ku yeeshay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed,kadib markii halkaasi uu gaaray Madaxweynaha.