Guddiga soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hirshabeelle ayaa saqdii dhexe ee xalay shaaciyay Liiska Xildhibaanada labaad ee Baarlamaanka Maamulkaas.
Guddiga Farsamada oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Jowhar ku dhawaaqay Liiska Xildhibaanada Cusub oo ka kooban 90 Xildhibaan, kuwaasi oo ay soo xuleen Odayaasha dhaqanka.
Xildhibaanada ayaa isugu jira kuwo Cusub iyo xubno horey uga tirsnaa Baarlamaankii muddo xileedkiisu dhammaaday, waxaana Liiska Xildhibaanada laga waayay xubno saameyn ku lahaa Baarlamaankii hore.
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Hrshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed iyo ku-xigeenkiisii Maxamed Xuseen Geedi ayaa laga waayay Liiska Xildhibaanada lagu dhawaaqay, waxaana xubnahaas ku jira 5 Haween ah oo kaliya.
Xildhibaanada ayaa la dhaarin doonaa, iyagoona yeelanaya kulan ay doortaan Guddoomiye KMG ah, waxaana intaas kadib ay dooran doonaa Guudoonka rasmiga ah ee hoggaamiyaha Baarlamaanka labaad ee Maamulka.
Hoos ka Akhriso Liiska Magacyada Xidhibaabada Cusub.