Maanta ayaa la filayaa in Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ay ka bilaabato dhageysiga Khudbadaha Musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle.
10:00 Barqanimo ayaa la filayaa in ay sitoos ah u bilaabaan khudbadaha musharixiinta oo ay dhageysan doonaan Xildhibaanada Hir-Shabeelle, waxana Maanta khubadaha jeedin doona ilaa 4 Musharax oo kala ah.
Maxamed Cabdi Waare, Cabdi Faarax Sharaawe Laqanyo Cabdi kariin Cali Nuur iyo Cabdinaasir Shirwac Maxamed.
Munaasabada khudbaha looga dhegysan doono musharixiinta diyaar garowgeda ayaa haatan laga dareemayaa Magaalada Jowhar, waxaan sidoo kale lagau arkayaa Ciidamo farabadan o ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliya iyo kuwa Amiso oo amniga xaqiijinaya.