Xogheynta Golaha Wakiilada Maamulka Soomaaliland ayaa soo saaray Liiska Musharixiinta u taagan qabashada xilka Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Soomaaliland oo uu dhawaan baneeyay Baashe Maxamed faarax oo loo doortay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland.
Xogheyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Hargeysa ayaa soo bandhigay Magacyada 10 ka mid ah musharixiinta.
Hoos Ka Akhriso Magacyada Musharixiinta:-
Xildhibaan Axmed Yaasiin Ali Ayaanle
Xildhibaan Axmed Abdi Kaahin Casood
Xildhibaan Maxamuud Dhunkaal Guutaale
Xildhibaan Sulaymaan Cawad Cali Bukhaari
Xildhibaan Xasan Muuse Hufane
Xildhibaan Abdilaahi Axmed Yuusuf Madar
Xildhibaan Maxamuud Cumar Jiir
Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa
Xildhibaan Maxamuud Baaruud Shide
iyo Xildhibaan Magaciisa lagu soo koobay Siciid
W/Q/ Cabduqaadir Jakaarta