Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa xalay kulan ku yeeshay Afar kamid ah  Musharaxiinta u tartameysa qabasha xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug.
Musharaxiintan oo kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, Cabdullaahi Faarax Wehliye, Cabdi Axmed (Cabdi Dheere) iyo Kamaal daahir Guutaale ayaa si wadajir ah u soo saaray qoraal ay ku shaaciyeen in aysan ka qeyb galeyn Doorashada Madaxweynaha Galmudug.
Sidoo kale Qoraalka ay soo saareen Musharaxiinta ayaa waxa eedeeymo kala duwan ugu jeediyeen dowladda Federaalka, iyagoona sheegay in aan la tix galin codsigii ay horey usoo saareen ee ahaa in lagala tashto magacaabista Guddiga doorashada iyo in waqti dheer la siiyo.
Musharaxiintan ayaa tilmaamay in Guddoonka Baarlamaanka Galmudug uu soo magacaabay Guddi Doorasho ooh al dhinac ah, isla markaana dhex-dhexaad u aheyn Musharaxiinta.
Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saareen Musharaxiinta.