Xaalad cakirnaan ah ayaa ka taagan magaalada Khartuum ee dalka Suudaan iyada oo ciidamada milatarigu ay la wareegeen xarumaha muhiimka ah ee dowladda,sida Idaacada iyo Talafashinka qaranka ee dalkaas waxaana la sheegaya in gole ku-meel-gaar ah lagu wareejin doono talada dalka Suudaan.
Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in la xiray masuuliyiin ku dhawaa madaxweynaha dalka Suudaan oo muddo 30-sana ah hayay madaxtinimada dalkaas.
Shaqsiyaadka xabsiga la dhigay waxaa ka  mid ah  Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Suudaan Cusmaan Mxamed Daaha , Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa dadka aadka ugu dhow Madaxweyne Cumar al-Bashiir iyo Madaxda Xisbiga talada haya ee Suduaan Maxamed haaruun.
Warar kale oo soobaxaya ayaa sheegaya in xiray qaar ka mid ah ilaalada madaxweynaha dalka Suudaan iyo tiro kale oo ka tirsan Xisbiga talada haya ee dalkaas ee National Congress Party ee [NCP],dhinaca kalana kulan Albaabadu ay u xiranyihiin ayaa u socda saraakiisha qeybaha milatariga ee dalkaas.