Caasimadda KMG ee Maamulka K/Galbeed ee Baydhabo waxaa maanta lagu soo bandhigay Liiska xubnaha uga mid noqonayo Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.
Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku saxiixnaa Qoraalka lagu soo magacaabay Musharixiinta Maamulka K/Galbeed uga mid noqonayo Aqalka Sare ee Barlamaanka.
Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heerka Federalka ayaa horey u shaaciyey in la soo gaarsiiyey Liiska Musharixiinta Maamul-gobaleedyadda Puntland, Galmudug iyo Jubbland.
HALKAN KA AKHRISO XUBNAHA K/GALBEED EE LOO SOO XULAY AQALKA SARE: