Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxaa ay Degmada Sablaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku toogteen Afar Nin oo ay ku eedeeyeen inay ka tirsanaayeen Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Goob fagaaro ah oo ku taalla Degmada Sablaale ayaa Al-shabaab waxaa ay isugu keeneen boqolaal shacab ah, kuwaasi oo daawanayay sida uu u dhacay xukunkii toogashada ahaa ee lagu fuliyay Afarta ruux.
Al-shabaab ayaa sheegay in Nin ugu horeeyay ee dilka lagu fuliyay uu ka tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo lagu magacaabi jiray Ayuub Xassan Buraale 23 jir ahaa, Koonfur Galbeed ugu magacaaban Kurtun waarreey.
Sidoo kale Ninka labaad ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xassan Cusmaan Cali (Abayle) oo 40 sano jir ahaa, laguna eedeeyay in uu ka tirsanaa Ciidanka maamulka Baraawe, halka kan saddexaad isna lagu magacaabi jiray Xassan Faarax Maxamad (Gambiye) da’diisuna 40 ahayd, kaasoo lagu eedeeyay inuu kamid yahay Ciidamada Dowladda.
Ugu dambeyntii eedeysanaha afaraad ee la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xuseyn Xassan Geelle oo 30 sano jir ahaa iyadoo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahahy Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.