Waareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa lagu joojiyay iibinta iyo Bixinta dhulalka aan Sharciga aheyn ee ku yaalla Magaalo Xeebeedka Hobyo.
Waxaa Dhammaan la amray dadka ku howlan bixinta Dhulalka aan Sharciga aheyn in ay joojiyan hadii kale wixii ka yimaada masuuliyadooda ay iyaga qaadi doonaan.
Maamulka Magaalada Hobyo ayuu Amray Madaxweyne Xaaf in ay ka hortagaan dadka iibinaya Dhulalka aan Sharciga aheyn.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka Wareegtada oo dhameystiran.