Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa Shir xasaasi ah ku yeeshay qaar kamid ah Madaxda Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira, iyadoona kadib ku dhawaaqay Madasha Xisbiyada Qaran.
Madasha Xisbiyada Qaran ee Maanta lagu dhawaaqay ayaa waxaa ku mideysan Lix Xisbi oo kala ah Midowga Nabadda & Horumarka, Ileys, Hilimo Qaran, Xisbiga kulan, Nabada iyo Xisbiga Xisbiga Horusocod Qaran ee NPP.
Sidoo kale Mdashan ayaa waxaa Guddoomiye loogu doortay inuu noqdo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed, waxaana xubno ka ah dhammaan Madaxda Xisbiyada Madashaas ku mideysan.
Dhinaca kale Madashan ayaa waxaa ku jirin Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo inta badan dhaliila Siyaasadda dowladda Madaxweyne Farmaajo.