Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Nugaal ee dowlad Goboleedka Puntland Cali Salaad Diiriye Faarax ayaa waxaa lagu sheegay in shirar uusan ogeyn maamulka Gobolka aan lagu qaban kari Hotelada iyo Xarumaha Jaamacadaha ee ku yaalla halkaasi.
Wareegtadan oo ku taariikheysneed 6 May oo ku beegneed maalintii shalay aheyd ayaa lagu xusay in shirar hadii la doonayo in qabto lagu soo wargeliyo maamulka,isla markaana aan amar la’aan la qaban karin.
Sidoo kale Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa waxaa la faray in ciddii u hoggaansami weydo awaamiirtaas ay ka qaadaan tallaabo sharci ah.
Hoos ka Akhriso Wareegtada uu soo saaray Cali Salaad Diiriye Faarax.