Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa soo saaray Go’aan hor leh oo looga hortegayo faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa waxaa lagu joojiyay dhamaan goobaha dadka isugu yimaadan sida Xafladaha, Aroosyada iyo shirarka, isla markaana waxaa dadka loogu baaqay inay yareeyan dhaq-dhaqaaqyada laga maarmi karo.
Sidoo kale Maamulka Gobolka ayaa faray Guddoomiyeyaasha degmooyinka Shabeellaha Dhexe inay dadka shacabka ka wacyi-geliyaan faafida Cudurka Coronavirus.
Hoos ka Akhtiso Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Makaraan.Â