Iskaashiga Wasaaradaha Maaliyada ee xubnaha ka ah Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa ka hor yimid xeerka Cashuuraha Dalka ee Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu horgeeyey Golaha Shacabka Baarlaamaanka Federalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed Goordhow kasoo baxay Iskaashiga Wasaaradaha Maaliyada ee xubnaha ka ah Dowladda Federalka ayaa waxaa lagu sheegay in dhacdo cusub ay ku tahay in Wasiirka Maaliyada uu xeerka Canshuuraha dalka horgeyo Golaha Shacabka,isagoo aan la tashi kala sameeyn.
Sidoo kale Wasiir Beyle ayay ku eedeeyeen in uu ku xadgudbay heshiiska nidaamka Federaalka ah oo ka dhaqan galay dalka oo dhan.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka.