Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maamul Cusub u Magacaabay Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ahna Caasimadda Galmudug.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa Guddoomiyaha Cusub ee Dhuusamareeb loogu Magacaabay inuu noqdo Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geedaqorow, halka Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasadda laga dhigay Cabdi Xaashi Caroole.
Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Dhuusamareeb ayaa loo magacaabay C/xakiin Cabdullaahi Warsame iyo Cabdicasiis Faarax Aadan oo laga dhigay Xoghayaha degmadaas.
Ugu dambeyntii dhamaan hay’addaha kala duwan ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa la faray inay la shaqeeyaan maamulka Cusub ee loo magacaabay Dhuusamareeb si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.
Hoos ka Akhriso Waregtada Magcaabista.