Musharixiin farabadan ayaa isku soo taagay in ay qabtaan xilka madaxweynaha Mamulka Hir-Shabeelle kuwaas oo ay ku jiraan Siyaasiyiin miisaan culus ku dhex leh Gobolka Hiiraan.
Musharixiintaan ayaa Ololahooda waxa ay ku soo bandhigayaan in qof walba uu ka Shaqeyn doono horumarka iyo xasiloonida Gobolada uu ka kooban yahay Maamulka hir-Shabeelle hadii uu ku guuleesto xilkaas.
Sawirro iyo Calaamado muujinayo musharxiinta oo xiisa ka dhigaya doorashadaan ayaa waxaa lagu arkayaa iyaga oo ku dhegan Wadooyinka Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ee Jowhar.
Lixda musharax ee tartanka doorashada Madaxweynaha Hir-Shbeelle xiisaha u yeelaya ayaa waxa ay kala yihiin.
1:- Maxamed Cabdi Ware oo ka mid ahaa musharixiintii la tartantay Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynihii Maamulka Hir-Shabeelle doorashadii 17 Bishii Octoper 2016 ka dhacday Magaalada jowhar.
2:- Cabdi faarax laqanyo oo hory u soo noqday guddoomiyaha gobolka Hiiraan
3:-Â Cabdi Kariim Cali Nuur oo k tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle
4:-Â Yuusuf Maxamuud oo mar soo noqday gudoomiyaha Gobolka Hiiran
5:-Â Cabdi Naasir shirwac Maxamed oo ah Ganacsade
6:-Â Mohamed Arush Diirow Agaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle