Waxaa isa soo taraya Khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ee dhashay Qaraxii saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Ex-Koontarool, kaasi oo loo adeegsaday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qaraxa.
Isbitaalada ku yaalla Muqdisho ayaa waxaa la dhigay dad qaba dhaawacyo kala duwan iyo Meydad badan oo weli la aqoosan la’yahay, waxaana Mashquul uu ka jiraa gudaha Isbitalada Magaalada oo ay buux dhaafiyeen Ehelado dad ay ka maqan yihiin.
Agaasimaha Cisbitaalka Madiina oo shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaas ay ku ku dhinteen 73-ruux, halka 53 qof kalena ay ku dhaawacmeen, isagoo xusay in tiradaas lasoo gaarsiiyay Isbitaalka Madiina.
Sidoo kale ku dadka dhintay qaraxa ayaa waxaa ku jiray Arday u socotay goobo waxbarasho, waxaana kamid ahaa Arday dhiganeysay Jaamacadda Banaadir, waxaana gaarigii ay saarnaayeen uu nqodo mid gebi ahaan gubtay.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in tirada Khasaaraha ka dhashay  qaraxaas ay intaas ka badan tahay, waxaana weli Isbitaalada ka socda gurmad xoog leh oo loo sameeynayo dadkii saakay waxyeelada soo gaartay.
Safiirka dowladda Turkiga ee u fadhiga Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa sheegay in qaraxii saakay ay uga dhinteen laba ruux oo u dhashay dowladda Turkiga, kuwaasi oo Isgoyska Ex-koontarool marayay xiliga uu qaraxa dhacayay.