Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Goordhow War kasoo saartay Xaalada Wasiirkii amniga Jubbaland ee Cabdirashiid Xasan Janan, kaasi oo dowladda Federaalka sheegtay inuu saakay ka baxsaday Xabsiga.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland aya waxaa lagu sheegay in Jubbaland ay ka walaacsan tahay xaaladda Wasiir Janan oo aan weli lagu heyn nolol iyo geeri midna.
Sidoo kale Jubbaland ayaa sheegtay in Wasiirka mudadii uu xirnaa aan ehelkiisa iyo cid kasto oo danayneysay arragtidiisa loo ogoleyn, isla markaana loo diiday inay arkaan qareemadii loo qabtay.
Ugu dambeyntii Qoraalka kasoo baxay Jubbaland ayaa waxa Ummad Soomaaaliyeed iyo Beesha Caalamka loogu sheegay in Xukuumadda Federaalka ay qaadeyso mas’uuliyada wixii soo gaara Wasiir Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur Janan.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Jubbaland.