Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Siyad Aadan ayaa magacaabay Agaasimaha guud iyo Agaasime Waaxyeedyada Hay`adda Tayo dhowrka Jubbaland.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Maxamuud Sayid ayaa waxaa xilka Agaasimaha guud ee Hay`adda Tayo-dhowrka Maamulka Jubbaland loogu magacaabay inuu noqdo Ibraahim Abuukar Maxamed.
Agaasimaha Waaxda qorsheynta iyo baarista Hay’adda Tayo-dhowrka ayaa waxaa loo magacaabay Axmed Ibraahim Cali, halka Najiib Maxamed Cumar laga dhigay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo Maaliyada Tayo-dhowrka ee Jubbaland.
Mas’uuliyiinta uu magacaabay Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa uu faray inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.
Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista Mas’uuliyiinta Cusub.