Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Jawaabtay Warqadii shalay kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,taasi oo looga hadlay Liiska Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaanada Cusub ee Jubbaland.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Jubbaland ay u madax banaan tahay qabashada Doorashooyinkeeda,isla markaana ay masuul ka yihiin Guddiga Madaxa banaan ee xuduudaha iyo Doorashooyinka maamulkaas.
Sidoo kale Jubbaland ayaa Cadeysay in Liiska Odayaasha dhaqanka ee ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka uu yahay ka rasmiga ah ee u diiwaan gashan Wasaarada Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Jubbaland.
Ugu dambeyntii Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in aysan dowladda Soomaaliya wax shaqo ah ku laheyn Doorashooyinka Jubbaland.
Hoos ka Akhriso War-saxaafeedka kasoo baxay Jubbaland.