Xaalad kacsanaan ah ayaa weli waxa ay ka jirtaa deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool halkaas oo saakay Waaberigii uu ka bilaawday dagaal u dhaxeeyey Ciidamada Maamulada Puntland iyo soomaaliland.
In kastoo guulo ay ka kala sheegteen dagaalkaas labada maamul hadan weli sooma badnhigin khasaaraha guud ee ka dhashay dagaalkii maanta ee deegaanka Tukaraq.
Dad ku sugan gobolka Sool oo aan la hadalnay ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in isgaarsiintii deegaanka Tukaraq ay hawada ka maqan tahay kadib markii uu saameyn weyn ku yeeshay dagaalkii saakay ka dhacay deegaankaas.
Dadkii tirade yaraa e ku noolaa deegaankaas ayaa manta ka barakacay markii uu bilaawday dagaalka,waxana lagu soo waramayaa in weli ay dhaceyso rasaas goos goos ah.