Guddiga la socodka Dib u eegista iyo Hirgalinta Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa War qoraal ah oo ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in ay kalsoonidii kala noqdeen Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.
Kalsooni kala noqoshada wasiirka ayaa waxa ay ku wargeliyeen Gudoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Qoraalka oo ka koobnaa lix qodob ayaa waxaa ka mid ahaa in Wasiir Xoosh uu ka baxay Wadahsqeyntii uu la lahaa Gudiga la socodka Dib u eegista iyo Hirgalinta Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo in uu sharcidarro ku tilmaamay miisaaniyadii ay Golaha Shacabka u ansixiyeen gaar ahaan Madaxa miisaniyada ee dib u eegista Dastuurka taas oo uu sheegtay in Wasaaradiisa kaligeed ay leedahay.
Gaba gabadii wax ay ka dalbadeen Baarlamaanka Soomaaliya in Wasiirka Dastuurka ay ka qaadaan tallaabo maadaama ay u arkeen in uusan u qalmin xilkaas.
Hoos Ka Akhriso Warka qoraalka ah oo uu ku saxiixan yahay Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka labada Aqal Senator C/ Xasan Cawaale (Qeybdiid)