Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa Maanta xilkii ka qaaday guddoomiyeyaasha laba ka mid ah degmooyinka Gobolka Hiiraan.
Laba Wareegto oo kasoo baxday Wasiirka xafiiskiisa ayaa waxaa xilkii looga qaaday guddoomiyeyaashii degmooyinka jalalaqsi iyo Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.
Waxaa Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi loo Magacaabay Maxamed Nuur (Cagajoof ) halka Gudoomiyaha Degmada Buuloburte loo Magacaabay Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi.
Degmada jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka taagnaa khilaaf dhinaca Maamulka ah kadib markii guddoomiyihii degmadaas uu diiday xilka qaadis lagu sameeyay taas oo keentay in laba Maamul ay ka Shaqeeyaan degmada Jalalaqsi.