Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa War qoraal ah oo uu soo saaray waxa uu kaga hadlay xaqiijinta Amniga Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya halkaas oo Maalinta Berito ah loogu balansan yahay in kulanka Baarlamaanka uu beri ka furmo.
Warka qoraalka ah ayaa ku saabsan in Maalinta Berito ah aan Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho lala geli Karin wax hub ah,waxana la ogeeysiiyey taliyayaasha booliska,Nabadsugida iyo taliyaha ilaalada Xarunta Golaha Shacabka iyo sidoo kale Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare kheyre.
Warka uu soo saaray Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Cabduweli Ibarahim Muudeey ayaa lagu sheegay in Xarunta Golaha Shacabka iyo agagaarka aan lala tegi Karin wax hub ah sigaar ah ilaalada Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada intaba.
Dhammaan Amniga Golaha Shacabka ayaa qoraalka lagu sheegay in ay masuul ka yihiin Ciidamada Booliska,si islaxisaabtanka u huufnaado loo ilaaliyo.
Ugu dambeyn waxaa lagu sheegay in Gudoonka Golaha Shacabka iyo xildhibaannada inta ay ku jiraan Xarunta Golaha Shacabka ay amnigooda ilaalin doonaan Ciidamada Booliska,iyada oo ilaaladooda uga soo tegi doona Baraha Koontorool oo ay Ciidamada Booliska u iclaamiyey.
Hoos Ka Akhriso Warka qoraalka ah ee ka soo baxay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya.