Wareegto kasoo baxsaday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa waxaa Guddoomiye Cusub loogu Magacaabay Degmada Waaberi.
Cabdicasiis Cismaan Jaamac ayaa loo Magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Waaberi, kaasi oo  Guddoomiyihii hore ee Degmadaas Allaha u naxariistee Mahad Cilmi oo ku geeriyooday Qaraxii 24-kii July ee 2019 ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa Aweys Sheekh Maxamed Amiin u magacaabay Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir, kaasi oo bedelaya Sahra Markeezi oo ku geeriyootay Qaraxii ka dhacay Gobolka Banaadir.
Sidoo kale Cumar Finish ayaa Axmed Maxamud Diiriye u magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.