Wareegto ka soo baxday Xafiiska Siihayaha Duqa Muqdisho ahna Gudoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ibraahim Cumar Mahad-alle (ibraahim dheere) ayaa waxaa lagu magacaabay Guddiga xilwareejinta Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Casimadda Muqdisho.
Guddiga loo magacaabay xilwareejinta Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka ayaa ka kooban 9-xubnood,waxaana Guddoomiye loo dhigay Shiikh Cumar Xuseen Maxamed.
Sidoo kale Guddiga ayaa waxaa la faray inay si hufan u gutaan Waajibaadka Shaqo ee loo magacaabay.
Hoos ka Akhriso Magacyada Guddiga la magacaabay.