Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa waxaa lagu magacaabay Guddiga Qabanqabadda Xaflada Caleema-saarka Madaxweynaha maamulkaasi.
Xaflada Caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Soomaaliya  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa waxaa lagu wadaa inay dhacdo 16-ka bishaan.
Guddiga loo xilsaaray ka shaqeynta Xaflada Caleema-saarka Madaxweyne Lafta-gareen  ayaa waxaa kamid ah xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,kuwaasi oo kala ah.
Cabdiraxmaan Ibraahin Aadan (SATE)
Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay)
Aadan Xasan Maxamed (Usaama )
Cabdinaasir Cabdi Aruush
Ibraahin Aadan Cali (Najax)
Xasan Cabdi Maxamed (Ugaas Xasan )
Cabdullaahi Aadan Axmed (Black)
Ibraahin Cabduqaadir Maxamed
Hoos ka Akhriso Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen..