Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhawaaqday xaalad adeg deg deg ah oo dhammaan deegaanada Maamulkaas uu u horjeeday Ayax aad u farabadan oo ku dul-habsaday dul-beereedyo baaxad leh oo ku yaalla halkaas.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in Ayaxa uu khatar weyn ku haayo xiligaan xaaladda sugnaanta ee Cunta, ayna u aqoonsan yihiin duulaanka Ayaxa khatar kusoo wajahan deegaanka.
Galmudug ayaa sheegtay in Ayaxa uu si daran u sameeyay deegaanada Miyiga ah (daaqa iyo beeraha), isla markaana xaalufin ballaaran ku haaya dhul beereedyada kahor xiliga Jiilaalka ee soo socda, taasi saameyn daran yeelan karta.
“Waxaa loo baahan yahay taageero ku filan la-dagaalanka Ayaxa oo ay ku jiraan sahminta deegaanada iyo ka warbixinta meelaha saameynta ugu badan uu ku yeeshay, iyadoo uu jiro howlgalo aan badneyn oo lagula dagaalamayo Ayaxa†ayaa lagu yiri Qoraalka Galmudug.
Galmudug ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ka dalbatay inay ka jawaaban sidii wax looga qaban lahaa xaaladda adeg ee Ayaxa uu ku haayo deegaanada Galmudug, islan markaana laga taageero la-dagaalanka Ayaxa.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka Galmudug.