Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa cadeyneysa in Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi, oo ku magac dheer Ciise Tarabuun, uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo soo dhameystay xukun maxkamadeed.
Ku simaha Wasiirka Ahna Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Aadan Isaaq Cali, ayaa sheegay in sanadkii 2017-dii, oo Cabdiwaaxid loo xiray eedo la xiriira argagixisnimo ay dacwaddiisa qaadday maxkamadda ku shaqada leh ee Ciidammada qalabka sida, oo markii ay kiiskiisa baartaay ku xukuntay 2 sano oo xabsi ah.
“Cabdiwaaxid, ayaa markii uu dhammeystay xabsigii ay maxkamadda military-gu ku xukuntay la sii daayay sida sharcigu qabo. Waxaana sii dayntiisa in muddo ah kadib lala socday  dhaq dhaqaaqiisa iyo xaaladaha.” ayuu yiri Ku simaha Wasiirka Ahna Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Aden Isaaq.
Dowladda Soomaaliya, waxay si cad u muujinaysaa in Cabdiwaaxid uu yahay muwaadin maray xukum ciqaabeed xabsi laba sano ah, oo ay ku xukuntay maxkamadda militariga Soomaaliga.