Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Kenya ku eedeeysay in faragelin cad ay ku wado madaxbannaanida Soomaaliya iyo xuduudda labada dal ay wadaagaan.
War-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda muddo badan ka dhur-sugaysay in hoggaanka dalka Kenya ay garowsadaan muhiimadda xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, hayeeshee arrintaas ay Kenya garan weyday.
Sidoo kale dowladda ayaa Kenya ugu baaqday in ay si deg-deg ah u joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo falalka xasillooni darrada ah ee ay ka waddo xuduudda labada dal.
Ugu dambeyntii Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay go’an tahay in ay qaaddo tallaabo kasta oo diblumaasiyadeed oo ay ku gudaneyso waajibaadkeeda dastuuriga ah ee la xiriira ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.