Mudolaga joogo todobd ayaa dad waxa ay haraad iyo Gaajo ugu geeriyoodeen deegano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Bay ee Maamulka Koonfur Glbeed Soomaliya.
Aadan Cabdi Qooqane oo ah guddoomiyaha degmada Qansax dheere ayaa sheegay in weli xaaldii abaaraha ay ka jirto degmooyin k tirsan gobolk Baay islamarkaana marark qaar ay dad u geeriyoodn.
Waxa uu sheegay in aysan jirin cid dadkaasi u gurmata,waxana abaarta u sii dheer degmooyinka qaar oo ay Al-Shabaab Gacanta ku hayaan islamarkaana aan loo gurman Karin sida uu hadalka u dhigay.
Hay’addo badan oo ka howlgelli jiray Gobolada qaar ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa isaga cararay sababo la xiriira dhanka amniga