Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyed waliba aad u dhaliila dowladda ayaa ka hadlay khilaafka Siyaasadeed ee dalka ka taagan kaas oo ka dhashay mooshinkii laga gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
“Waxaan soo dhaweynayaa Dadaalka uu Aqalka Sarre ugu jiro xal u helidda loolanka ka dhex taagan guddoonka Baarlamaanka mar haddii laantii fulinta lagu eedeyey in ay dhinac la safatay, waa bisayl siyaasadeed haddii Soomaalidu is xaliso ayuu yiri Siyaasigaâ€
Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dhammaan dadka khilaafka uu ka dhaxeeyo sida Xukuumadda iyo Golaha Shacabka in ay qaataan waan waanta la wado ee la doonayo in lagu xaliyo khilaafka jira.
“Dhinacyada oo dhan, waxaan ku boorinaynaa in ay tala soo jeedinta qaataan si loo baajiyo soo dhexgalid ajnabiâ€
Dhammaan Siyaasiyiinta Soomaaliyed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa sidaan silmaid ah uga dalbanayay Xildhibaanada Golaha Shacabka in ay muujiyaan xasilooni Siyaasadeed six al looga gaaro khilaafka kala qeybiyay xildhibaanada Golaha Shacabka balse weli mamuuqato wax xal ah oo laga gaaray.