Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay yeelanayaan kulankoodii caadiga ahaa,kaasi oo saacadaha soo socda ka furmaya Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
AJENDAHA Kulanka Xildhibaanada Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 22-ka Bisha June 2019, ayaa waxaa uu yahay U codeynta H/Sharciyeedka Dhismaha Guddiga ladagaalanka Musuq – maasuqa.
Xildhibaanada Golaha Shacabk ayaa waxaa xalay loo diray fariimo ku aadan in uu jiro kulan,isla markaana looga baahan yahay inay ka soo qeyb galaan kulankaas.
Todobaadkii la soo dhaafay ayaa Xildhibaanada waxaa ay ansixiyeen Sharciga Maareynta Maaliyadda dalka,waxaana Sharcigaas hor geeyay Golaha Shacabka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa digniin u diray xubnaha inta badan ka maqan kulamada.