Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa Maanta kulan ku yeeshay Xubnaha Ahlusunna Waljameeca ee ka tirsanaa Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweyne ku-xigeenada ee lasoo Magacaabay, hayeeshee markii dambe qaadacay Guddigaas.
Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweyne ku-xigeenka ee Ahlusunna Waljameeca ayaa soo saaray Jadwal Cusub oo ah Doorashada Madaxweynaha Galmudug.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha iyo labadiisa ku-xigeen ay bilaabaneyso 23-ka Bishaan kuna egtahay 24-ka Bishaan.
Siddoo kale Guddiga ayaa shaaciyay in Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenada Galmudug la qaban doono 5-ka Bisha soo socota ee February ee 2020-ka.
Hoos ka Akhriso Jadwalka Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenada Galmudug.