Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Maxamed Amar Dambe ayaa waxa shaqdii looga joojiyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga.
Dr Sonkor Geyre oo ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa waxaa shaqo joojinta ku sameeyay Wasiir Xasan Maxamed Amar Dambe,waxaana shaqadaas si KMG loogu dhiibay Warsame Maxamed Xassan (Kaytoon).
Sidoo kale wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in Shirkii amniga qaranka ee dhawaan lagu qabtay Muqdisho go’aan lagu gaaray in isbedel lagu sameeyo xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga.
Hoos ka Akhriso Wareegtada Shaqo joojinta.