Afar kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha dowlad Gobleedka Galmudug oo maalmo kahor shaaciyay in aysan ka qeyb galeyn Doorashada ayaa waxaa War Cusub kasoo saaray Xaaladda Galmudug iyo mida Doorashada.
War-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen Musharaxiinta kala ah C/raxmaan Odawaa , Kamaal Guutaale, Cabdullaahi Faarax wehliye iyo Cabdi Axmed ( Cabdi Dheere) ayaa waxaa ay uga hadleen Natiijada kasoo baxday baaqyadii ay horey u gudbiyeen iyo xal u heli Khilaafka ka taagan Doorashada Galmudug.
Intaas kadib Afarta Musharax ayaa ka qeyb galka Doorashada Madaxweynaha Galmudug ku xiray dhowr shuruudood, kuwaasi oo ay ku sheegeen hadii la fuliyo inay ka qeyb galayaan Doorashada.
Shuruudaaha ay soo saareen Musharaxiinta ayaa waxaa qeyb ka ah in lasoo magacaabo Guddi Cusub oo Doorasho ah, isla markaana ay ku mideysan yihiin dhinacyada ka qeyb galaya Dorashada, sidoo kalena Ahlusunna ay ka qeyb galaan hanaanka Doorashada.
Hoos ka Akhriso Shuruudaha ay soo saareen Musharaxiinta.