Waxaa Weli socda gurmad lagu soo badbaadinayo qaar kamid ah dadkii shalay Doonta la qalibantay iyo kuwii uu qaaday fatahaada ka dhalatay Biyaha Wabiga Shabeelle.
Guddiga loo xilsaaray baadi goobka dadka lagu la’yahay Wabiga Shabeelle ayaa shaaciyay in Xaafadaha Baladweyne laga soo saaray 5 ruux ah oo Meyd ah, kuwaasi oo uu qaaday fatahaada Wabiga.
Hoos ka Akhriso Magacyada dadka Meydadkooda la helay.
1: Marxuum Sharmaake Khaliif Xasan
2: Marxuum Shariif Xasan Ganey ( Shariif Carabey)
3:Marxuum Muscab Xuseen
4: Marxuum Khaliif Xasan
5:Marxuum Guuleed Ibraahin.
Gurmadka baadi goobka dad kale ee la la’yahay ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya diyaarado nooca helicopter-ka, kuwaasi oo dul heehaabaya Wabiga dushiisa, waxaana dadaal loogu jiraa sidii loo soo badbaadin lahaa dadka weli lagu la’yahay Wabiga Shabeelle.