Wararka naga soo gaaraya Degmada Guriceel ee Gobolka GalgaduudΓΒ ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Maanta Ciidanka Ahlusunna ay ku xireen Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Askarigan oo ka howlgeli jiray Dhuusamareeb ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu tegay Degmada Guriceel,isla markaana uu iska horimaad dhexmaray Ciidamo ka tirsan Ahlusunna iyo Askariga xili uu ku sugnaa Maqaaxi ku taalla halkaas.
Intaas kadib ayaa Askariga ka tirsanaa dowladda waxaa lagu xiray Saldhig ay maamuladan Ciidanka Ahlusunna oo ku yaalla Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in xiisad ka dhalatay xariga lo geystay Askariga dowladda haatan ay ka taagan gudaha Degmada Guriceel,mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda ee kusugan Magaalada Dhuusamareeb.