Faah faahino ayaa laga helayaa qarax xoogan oo Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska KM-4, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir.
Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah la geliyay laamiga dhinaciisa, uuna sigaar uga dhacay wadada aadan dhinaca Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi oo xiligaas mararay wadada, hayeeshee qaraxa uu ka badbaaday Agaasimaha oo saarnaa gaari nooca aan xabada karin.
Laba qof oo shacab ah kana agdhawaa goobta ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka tirro kalena oo isugu jira shacab iyo qaar kamid ah Ilaalada Agaasime Koofi ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla Muqdisho.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Feeraalka oo ku sugnaa Isgoyska KM-4 ayaa wadada xiray, isla markaana waxaa hakad ku jira isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, waxaana halkaas gaaray Saraakiil kale oo ka tirsan Booliska dowladda.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlaayan qaraxaas Caawa uu ka badbaaday Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Maxamed Aadan Koonfi.