Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ka hadlay dhismooyinka dabaqyada badan ee sida xoogliga ugu soo badanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay Agaasime Cabdinuur in dhismooyinka dabaqyada ee ku yaalla Muqdisho qaarkood ay macquul tahay inuu dhistay qof shaqo hoose ka haaya dowladda, hayeeshee aan dabagal lagu sameeyn sida uu ku helay hantidaas.
Sidoo kale Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada ayaa tilmaamay in Mas’uuliyiin xilal ka haaya dowladda haatan lagu tuhmayo in hanti ay leeyihiin shacabka ka dhisteen qaar kamid ah dabaqyada Magaalada.
“Dabaqyada Magaalada ka taagan qaarkood, waxaa maqcuul ah inuu dhistay qof shaqo hoose ka haaya dowladda ama ay wax ku leeyihiin Mas’uuliyiin hore, halka kwuo kalena lagu tuhmayo inay hantida shacbka ka dhisteen dhismooyinka dabaqyada, haddiin aan xeerka saxaafadda la helin dabagal laguma sameeyn karo†ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed.
Xeerka saxaafadda ee dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo saxiixay ayuu shaaciyay inuu danaaqd kaadi karo in dabagal iyo baaritaano kala duwan saaxafadda ku sameeyso hantida laga dhistay dabaqyada dhaa-dheer.
Hadalkaan ayaa Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur waxaa uu ka sheegay Munaasabad Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda ay ku soo bandhigeysay xeerka saxaafadda ee Madaxweynaha saxiixay.