Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu xiray Agaasimihii Warfaafinta  Madaxtooyada Maamulka Galmudug.
Maxamed Cusmaan Qoofaal ayaa la sheegay in ay xireen ciidamada Amniga Maamulka Magaalada dhuusamareeb ilaa iyo hadana aan la ogeyn sababta ka dambeysa xarigiisa.
Xariga Agaasimaha oo weli aysan ka hadlin Masuuliyiin Maamulka Galmudug balse wax uu ku soo aadaya xili uu Maanta Akhriyay Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com