Qoraal ay Safaaradda Maraykanka ee Somalia u dirtay Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed ayaa lagu soo hadal qaaday Wararka la xiriira in Laaluush, Musuq iyo Awood-sheegasho loo adeegsaday Doorashada ka socota magaalladda Cadaado ee lagu soo dooranayo xubnaha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Galmudug uga mid noqon doona Barlamaanka soo socda.
Safaaradda Maraykanka waxay xustay inay hayaan Warar lagu kalsoonaan karo oo sheegayo in Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka  iyo Amniga Qaranka ee NISA, Jeneral C/laahi Gaafow Maxamuud uu Ciiddankiisa u daabulay Xarunta Doorashadda ee magaalladda Cadaado iyo goobaha loogu tala galay Ergooyinka, waa sida hadalka loo dhigay.
Safaaradda waxay qoraalkeeda ku xustay inay fahamsan yihiin  inuu Jeneral Gaafow baqdin gelin ku sameeyey Musharixiinta kale si ay uga laabtaan Musharaxnimadooda iyo inay Ciiddanka cabsi-geliyeen, lana xiro Nabadoon Xasan Madoobe iyo Musharax Maxamed Maxamuud Guure, waa sida lagu xusay Qoraalka ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ay ku leeyahay Somalia.
Waxaa kaloo lagu xusay in Faragelinta Jeneral Gaafow ku sameeyey Doorashadda Galmudug uu ka macaashay Walaalkiisa, C/qaadir Gaafow Maxamuu, kaasi oo ku soo baxay xubnaha  Xildhibaanadda Galmudug ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka soo socda.
Xigasho: US Mission in Somalia
©Radio Dalsan