Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM waxay sheegeen inay labo duqeyn fuliyeen bishan May 22-dii, iyadoo weerarkii ugu horreeyey lala beegsaday fariisin ay Daacish ku leeyihiin Buuraha Golis ee Maamulak Puntland.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay AFRICOM ayey ku sheegeen inay duqeyntaasi ku dileen 2 ka tirsan Kooxda Daacish, waxayna duqeyntaas ahayd tii 5-aad ee sannadkan lala eegto Daacish-ta Somalia.
AFRICOM waxay kaloo sheegtay inay dhamaan 5-ta hawlgal dhaceen Waqooyiga Somalia tan iyo bishii May 14-dii, iyadoo 4 duqeyn lala begsaday Buuraha Golis, halka mid kalena uu ka dhacay Deegaanka Xiriiro.
Duqeyntii dhacday bishii April 14-dii waxay AFRICOM sheegtay in lagu dilay C/xakiim Dhuqub oo ahaa Ku-xigeenka Amiirka Daacish-ta Somalia.
Dhinaca kale, qoraalka ka soo baxay AFRICOM waxaa lagu muujiyey inay bishan May 22-dii duqeyn ka geysteen Deegaanka Beledul-amiin ee Gobalak Sh/hoose, kuna dileen 2 Dagaalyahan o oka tirsan Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.
AFRICOM waxay sheegeen inay duqeyntaasi ahayd tii 33-aad ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab la beegsadeen tan iyo bilowgii sannadkan 2019-ka.