Sida lagu soo daabacay Shabakadda Wararka ee newbusinessethiopia.com  waxa uu shalay Carbis Wadajir u bilowday 100 Askari oo ka kala socda Maraykanka iyo Dowladaha ay Milliteriga iyo kuwa Boliska  ka joogaan Somalia.
Carbiskaasi oo loogu magac daray Justified Accord 2017 (JA17) Â ayaa la sheegay inuu socon doono tan iyo bishan March 24-da, sida lagu xusay War-saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee magaalladda Addis Abeba.
Tababarkaasi oo ay soo agaasimeen Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa waxaa ka qeyb galayo Ciiddamo ka kala yimid 10-Waddan, kuwaasi oo Tababar ka sokow is-dhaafsanaya Hadafka Nabad-ilaalinta iyo Isbedelka Hawlgalka AMISOM, si ay Ciiddanka Somalia u hoggaamiyaan Hawlgalkaasi.
Hadafka ugu dambeeya ee Carbiska ayaa ah sidii loo kordhin lahaa Xiriirka wada-shaqeynta ee Dowladaha xubnaha ka ah ee Gobalka iyo in la dhiso qorshaha Tababarka soo socda ee JA18.
 Sareeye Guuto  Jon A. Jensen, oo ah Ku-xigeenka Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykanka ee AFRICOM oo ka hadlay Furitaanka Tababarka ayaa sheegay in muhiimadooda Khaaska ee Hawlgalka AMISOM tahay Dhaqanka furaha u ah Nabad-ilaalinta, sida Sharuucda Caalamiga ee Hawlaha Samafalka, Badbaadinta Rayidka iyo Taageeradda Samafalka Aaminimo, Masiibooyinka.
Waxa kale oo uu sheegay inay Milliteriga Maraykanka ee Taliska AFRICOM waqti ku bixin doonaan inay eegaan, lagana xaajoodo  Shaqada muhiimka ee Xilliga Kala-guurka Hawlgalka AMISOM ee ay Soomaalida hoggamainayso.
Ciiddanka Carbiska uga socdo magaalladda Addis Abeba waxaa la filayaa marka uu tababarku u dhamado  inay dib ugu wada laaban doonaan dalalkooda iyo Saldhigyadooda Shaqo.
Milliteriga Maraykanka waxay kaalin muhiim ka qaataan Maalgelinta, Qalabaynta iyo Tababarida Ciiddanka AMISOM, iyadoo Saraakiil Maraykan oo an tiradood la ogayn ka hawl-galaan gudaha Somalia, waxayna Ciiddanka DFS iyo kuwa AMISOM ka taageeraan Dagaalka ay kula jiraan Alshabaab.
Xigasho: newbusinessethiopia.com
©Radio Dalsan