Milkiilihii Idaacadda Codka Goballadda Dhexe, Maxamed Cumar Jimcaale “Hagafeey” iyo Dareewalkiisa ayaa maanta lagu dilay agagaarka Tirbuunka ee Degmadda Hodan ee magaalladdan Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay Radio Dalsan in kooxo hubeysan tacshiirad huwiyeen gaariga uu la socday Maxamed Cumar Hagafeey.
Sidoo kale, waxaa isla toogashadaasi lagu dilay Dareewalkiisa, mana cadda sababaha loo dilay, iyadoo Kooxihii dilka geystay ka baxsadeen goobta uu dilku ka dhacay.
Ciiddan ka tirsan kuwa DFS ayaa soo gaaray goobta, waxayna bilaabeen baaritaano la xiriira qaabka uu dilku u dhacay.
Allaha U Naxariistee Marxuum Maxamed Cumar Hagafeey waxa uu mar ahaan jirey Afhayeenkii Maamulkii Ximin iyo Xeeb, wuxuuna haatan ahaa Milkiilaha Idaacadda Codka Goballadda Dhexe iyo Asaasayaasha Telefishinka Kalsan TV.
©Radio Dalsan