Agaasimihii hore ee Xafiiska Rai’sul Wasaaraha Adisalam Salwe ayaa bartiisa Facebook ku qoray inuu ka tagay shaqadi xafiska R/wasaarasha ,uuna hawsha xafiiska ku wareejiyey Maxa’ed Keynan.
Qoraalkiisa ayaa u u qoray sidam “Ugu horreeyn waxa sharaf weyn ii ah in aan u hambalyeeyo una duceeyo walaalkay iyo saaxiibkay Mohamed Keynan oo noqonaya mas’uulka igala wareegaya xilka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha. Allaha u fududeeyo mas’uuliyaddaas culayska badan oo aan ku hubo in uu si hufan uga soo dhalaali doono. Fadlan ila soo dhaweeyaâ€.
Keynan ayaa ahaa afayeenki gudiga doorashada dadban waxaana horey uu u ahaa la taliye ka tirsanaa xafiiska madaxweyne Xasan Sheikh.