Axmed Maxamed Maxamuud Sayid Carab Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa Caawa ku dhawaaqay in uu is casilay.
Isaga oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayuu Warkaan sheegay waxa uuna u sababeeyay laba qodob is casilaadiisa.
“Runtii aniga waxaan isku casilay markii aan arkay in aan wax horumar ah aan laga gaareen Amniga iyo in aan la fulin qorsqorshihii ahaa in Al-Shabaab guryahooda loogu galo ayuu yiri Axmed Carab”
Axmed Carab ayaa inta xilkaan loo dhiibin 29Â Bishii Apriil ayaa horay u ahaa Afhayeenka laamaha amniga Maamulka Jubbaland.