Ugu yaraan 41 qof ayaa ku geeriyootay Diyaarad Rakaab oo uu dab qabsaday, xilli ay si degdeg ugu degi lahayd Garoonka caalamiga ee Sheremetyevo oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Mosko.
Shirkadda diyaaradaha ee Aeroflot ayaa sheegtay in mid ka mid ah Diyaraadeeda uu dab qabsaday, xilii ay si degdeg ah u caga-dhiganaysay Garoonkaasi.
Baarayaasha waxay sheegeen in ugu yaraan 2 carruur ka mid ahaayeen dadkii ku geeriyooday shilkaasi, iyadoo inta badan Rakaabka ka baxeen Albaabadda Gurmadka ee ay Diyaaraddu lahayd.
Mid ka mid ah Rakaabka ayaa sheegay inay biriq ku dhacday Matoorka Diyaaradda, taasi oo keentay inuu Matoorku dab qabsado.
Muuqaalka Diyaaradaasi oo noocoodu ahaa Sukhoi Superjet 100Â oo olololeysa ayaa lagu baaahiyey Warbaahinadda, iyadoo ay Kooxaha Dab-damiska ku hawlanaayeen daminta dabkaasi.
Diyaaradda oo ay la socdeen 73 qof oo rakaab ah iyo 5 ka mid ah Shaqaalaha Diyaaradda waxay ka ambabaxday Garoonka Mosko, iyadoo ku sii jeeday magaalladda Murmansk ee Waqooyiga dalkaasi, ka hor inta uusan Duuliyaha si degdeg ah dib ugu so olaabanin Garoonka Mosko, kadib, markii uu arkay inuu dab ka kacay mid ka mid ah Matooradda Diyaaradaasi.