Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in magaalada Mekelle, oo ciidamada dowladda ay qabsadeen bishii November balse dib loogala wareegay Isniintii, “ay lumisay muhiimaddeeda†intii uu socday dagaalka Tigray, muddo sideed bil ah.
“Marka aan militari ahaan u eegno Mekelle, nooma xiiso gelineyso si la mid ah markii aan halkaas tageynay,†ayuu yiri Abiy oo hadallo uu jeediyey uu baahiyey xafiiskiisa, Arbacadii.
Sidoo kale, Sarreeye Guud Bacha Debele ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamada ee Mekelle looga dan lahaa “in gargaar lasiiyo†shacabka – hase yeeshee tallaabadaas deg deg looga laaban karo.
“Haddii ay na daan-daansadaan, maanta ayaan ku laaban karnaa Mekelle. Si kastaba, burburka wuu ka xumaan doonaa sidii hore,†ayuu yiri Bacha oo ah sarkaal sare oo ku lug lahaa howlgalka Tigray.
Getachew Reda, oo ah afhayeenka ciidamada Tigray, ayaa AFP u sheegay Isniintii in qabsashadooda Mekelle ay ka dhigan tahay guul militari, isaga oo yiri “Qeybtii ugu xoogganeyd Ciidamada Difaaca Qaranka Ethiopia gebi ahaan waa la burburiyey.â€
Hase yeeshee Redwan Hussein, oo ah afhayeenka howlgalka dowladda, ayaa ka bixitaanka Mekelle ku qeexay mid xeeladeysan.