Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in abaanduuliha Guutada labaad ee Cidiamada xoogag dalka uu ka badbaaday qarax logu xirey gaarigiisa.
Abaanduule Cali Cariif ayaa gaarigiisa xilliga uu qarxayay waxa uu ku sugnaa Gudaha Warshada Dharka Somali Tax ee degamda Balcad oo ku taalla xaafada Xaawa taako,waxana goobjoogayaal ay sheegeen in qaraxaas ay ku dhaawacmen ilaa 5 Askari oo ka mid ah ilaaladiisa.
Majirto wax War ah oo ka soo baxay maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe eek u adan qaraxa ka dahcay gudaha degamdaas,iyada oo maalmaahan ay jirtay cabsi ku aadan Al-Shabaab oo ku soo dhawaaday degmada Balcad.
Qaraxaan ayaa ku soo aadaya xilli xalay tiro hoobiyeyaal ah Al-Shabaab ay ku soo tureen fariisin ciidamada AMISOM ku leeyihiin degamda Balcad,ils amrakaana AMISOM ay  u jawaabtay.